Banaabax Aad u Weyn oo London Ka Dhacay Laguna Taageeray Somaliland akhriso oo Daawo Tasaawiirta.
Dad lagu qiyaasay kumanaan oo ka kala yimid dhamaanba magaalooyinka UK ayaa maanta iskugu soo baxay wajahada hore ee xafiiska Raysal Wasaaraha Britain ee 10 Downing Street oo kuyaal Whitehall oo ah goobta uu isna ku yaal golaha barlamanka iyo xafiiska arimaha dibada ee dalkaasi. Dadka mudaharaadkan iskugu soo baxay oo ay ka muuqatay farxad iyo qiiro is huwan ayaa ka jawaabayey baaq dhawaan ay hore u soo saareen wakiilada saddexda xusbi qaran ee Somaliland iyo ururkabulshada Somaliland ee UK, baaqas oo ujeedadiisu ay ahayd in la muujiso tageerada dadka reer Somaliland u hayaan madaxbanaanida Somaliland iyo in ay gaadhsiiyaan codkooda dawlada Britain.
Xiliga uu isusoobuxu dhacay oo ahayd xili roob aanu kala qaadin, hase ahaatee dadkii goobtaas isugu soo baxay madareemin roobka iyo qabawgii jiray, waxayna goobtaas lulayeen calanka Somaliland iyagoo ku dhawaaqaya erayo iskugu jira Ingirisi iyo Af-Somali oo ay ku dalbanayeen in Somaliland la aqoonsado, laguna khaldin Somaliland dalkii ay hore uga midka ahayd ee Somalia.
Ku dayaanka cod-laliyeyaal, sawaxan iyo durmaano ay si cod dheer leh u garaacayeen haween ka mid ahaa banaanbaxyaashaas iyo lulista calanka Somaliland ayaa si wey u muujiyey isu soo baxaas oo ay ku qabteen goob looga bartay mudaraado kala duwan had iyo jeer, waxaanu mudaharaadkani soo jiitay saxaafada kala duwan ee caalamka iyo tan dalka Britain.
Dhinaca kale waxa banaabaxan barbarsocday nuqul qoraal ah (petition) oo ay dadkii goobtaas isugu yimid ay saxeexayeen, kaas oo lagu lifaqayey warqad ka kooban 2 bog oo ay si wada jir ah u soo diyaariyeen dhincayda qaban qaabiyey banaabaxan, qoraalkaas oo sida uu ii sheegay gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee UK mudane Maxamed Cumar Meygag oo ka mid ahaa 6 qof oo u gubiyey ama dhiibay qoraalkaas, iyagoo ay ku weheliyaan laba xubnood oo ka tirsan baarlamanka Britain oo kala al MP Alan Mechael oo laga soo doorto magaalada Cardiff iyo MP Kerry oo ah haweenay laga soo doorto magaalada Bristol. Waxana markii ay 6-daa xubnood iyo labada mudane barlamant ay gaadhsiinayeen nuqulkaas qoraalka ah oo ay saxeexeen kumanaankii meesha isugu soo baxay iyo waraqad lagu lifaaqay oo ay ku qornaayeen qodobo door ah oo dawlada British-ka loogu cadaynayo sida ayna lagama nodaan u tahay gooni isu taaga Somaliland iyo fursadaha mudan in ay siiso dawlada Britain dalkaas Somaliland.
Qoraalkan waraqada ee 2-da bog ah ayaa sidoo kale dawlada Britain loogu baaqay in ay iyadu hormood ka noqoto aqoonsiga dublamaasiyadeed ee Somaliland uga fadhido ama ay abuurto furasadaha wadan kale ugu dhawaaqo aqoonsiga Somaliland. Sidoo kale qoraalkan loo gudbiyey xafiiska raysal wasaare Tony Blair ayaa lagu dhigay in Somaliland laga caawiyo dhincayada maamul tayo kordhinta iyo in mucaawimada Somaliland loogu talo galay si toosa loo siiyo, iyo in dawlada Britain ay ku wargaliso dawlada Somalia loogu soo dhisay Imbagati ee uu hogamoyo C/laahi Yusuf in ay Somaliland arimaheeda faraha kala baxdo, isla markaana hoos loo eego dooda Somaliland ee ku salaysan xuquuda sharci ahaaneed ee ay Somaliland u leedahay in ay ay wadan madaxbanaa noqoto iyado laga duulayo soojireenka taariikheed ee abuurankii wadankii la odhan jiray Somalia sanadkii 1960-kii, taas oo ay Somaliland ay jirtay xiligaas ka hor. Banaabaxan ayaa ku beegmay xili xaalad caadimaad ay keentay hogaamiyaha TNG-da oo uu London ku sugan yahay iyo iyadoo dawladaha ay ka mid tahay tan Britain markan u muuqdaan in ay usoo jeesteen arimaha siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika. Markase la isku soo xooriyo banaanbaxani waxa uu muujiyey sida ay dhab uga tahay dadka reer Somaliland ee UK iyo guud ahaanba dadka Somaliland taageerada ay u hayaan dalkooda iyo u galaangalka ay ugu jiraan aqoonsi dublamaasiyadeed oo ay dawladaha ay ka midka tahay ta British-ku ka helaan. Banabuxu waxa uu ku bilaabmay kuna dhamaaday si nabada ah, waxaanu sidoo kale abuuray fursad ah in uu isku keeno dad kala baaday oo haddana isku magaalo iyo wadan wadadagan. Sidoo kale banaanbaxan waxa barbarsocday mid la mid ah oo ka dhacay caasimda Oslo ee dalka ka midka ah wadamada waqooyiga Yurub ee Norway, oo isna la hadaf iyo himilo ah kan ka dhacay London.