Wariye C/laahi Maxamed Cali Oo Ku Guulaystay Wariyaha Sanadka
London-(HWN)-Xaflad balaadhan oo aad u quruxbadan oo bulsha Somaliland ee UK isugu timi oo sanad walba lagu qabto magaalada London, isla markaana lagu gudoonsiiyo shahaado sharafyo shaqsiyaad, ururo, ardayda kala duwan iyo saxaafada ayaa xalay lagu qabtay Brunel University oo ku taal galbeedka magaalada London.
Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen xubno sar sare iyo dadweyne aad u badan ayaa ahayd mid si weyn ay u soo agaasimeen urur bulsheedka West Londonb Somaliland Community oo sanad walba qabta abaalmarinta dadka reer Somaliland ee meel ay joogaanba loogu codeeyo in ay waxtar u lee yihiin Somaliland ama horumar la taaban karo gaadhaan. Waxa xafladan goobjoog ka ahaa oo gudoonsiinayey abaal –marinada kala duwan duqa waaxda galbeedka London ee Hillingdon Councillor Allan Kauffman, wasiirka Iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Britain Cali Adan Cawaale oo halkaas xubnaha loo codeeyey ku gudoon siiyey jaa’isado kala duwan.
Dhanka Saxaafada ayaa iyagana la siiyey abaal marino wariyeyaal ka kala socda TV-yada Somasat, Somali Channel iyo xubno saxaafada kale ka mid ah. Hase ahaatee wariyaha ruug cadaaga ah ee ku can baxay wareysiyada hufan iyo doodaha dhexdhexaadka ah, isla markaana ah madaxa barnaamijyada qaarada Yurub ee TV Qaranka Somaliland, oo leh barnaamij joogto ah oo la yidhaa Madasha Qurbejooga oo lagu duubo studyowga TV Qaranka Somaliland ee magaalada London, ayaa habeenkii xalay ahaa ka mid ahaa dadkii halkaa lagu gudoonsiiyey abaal-marinta.
“…Waxaan u yeedhayaa C/laahi Maxamed Cali oo dadka Somaliland ugu codeeyeen in uu yahay wariye qaada wareysiyo uu ku weydiiyo hadba madaxda uu wareysto su’aalo ka turjumada dadku waxa ay doonayaan in looga jawaabo.. C/laahi waxa loogu codeeyey in uu yahay wariye leh haybad saxafinimo oo culus oo dhexdhaxaadnimo leh…” Sidaa waxa yidhi Iid Xasan Aw Muuse oo dadkii halkaa isugu yimid ugu sharaxay sida ay u soo xuleen wariye C/laahi Maxamed Cali oo dad aad u badan ugu codeeyeen iyagoo adeegsanaya barta internet ka ee ay ugu talo galeen in ay dadku u codeeyaan cida ay isleeyihiin way mudan tahay in abaalmarin la siiyo.
Sida uu u xaqiijiyey Hadhwanaagnews .com xubin ka mid ah xubnaha masuulka ka ah Somaliland Achievement Awards, wariye C/laahi Maxamed Cali waxa uu helay codkii ugu badnaa ee dadku ugu codeeyaan dhamaan dadkii loo codeeyey in la siiyo abaal-marin.
Khadka telefoonak oo aanu xaflada ka dib kula xidhiidhanay wariye C/laahi Maxamed Cali oo aanu weydiinay dareenkiisa ku wajahan abaal-marinta la siiyey iyo in loo aqoonsado wariyaha sanadka ee helay codkii ugu badnaa ayaa ku jawaabay “..Runtii abaalmarintani waa dhiiri galin aan helay, waana mid aan aaminsanhay in ay ila wadaagaan saxafiyiinta Somaliland ee jecel in la helo saxaafad xor ah oo ka hufan wax kastoo dib u dhaca ku keenaya saxaafada Somaliland oo runtii meel adag maraysa…”
Wariye C/laahi Maxamed Cali oo aanu weydiinay sida uu u arko in dadku ugu codeeyeen barnaamijkiisa in uu yahay mid dhexdhaxaad ah isagoo ka baxa TV Qaranka oo la og yahay in uu dhanka siyaasada u janjeedho xukumda talada haysa ayaa ku jawabaay “ Anigu sidaan u arko TV Qaranku sida uu magaciisu yahay waa mid bulshada Somaliland u dhaxeeya, mid muxaafid ah iyo mid mucaarid ah, waana nidaamka aynu qaadanay ka ina farayaa sidaa….…aniguna inta karaankayga ah dhankayga waxaan isku dayaa in aan ilaaliyo xeerka saxaafada ee dad iyo dal uu dastuurkiisu siiyey xornimo iyo xurmo- saxaafadeed cidkastoo xukunka u haysaaba waxaanan dareemaa masuuliyada dheeraad ah maadaama ay jirto dareen laga qabo TV Qaranku waxaanse ogahay saxafiyiinta ka hawlgala kuwa Qaranku in ay ila mid yihiin oo ay wada dadaalayaan…”
Wariye C/laahi Maxamed Cali ayaa saxaafada ku bartay magaalaa Toronto ee dalka Canada, waxaanu halkaa sanadkii 2001-dii magaalada Toronto ka aas aasay idaacadii ugu horaysay ee qurbejooga Somaliland yeesho, isla markaana tii ugu horaysay ee laga dhegeysto Internet-ka oo ilaa iyo maanta ya shaqaynaysa oo bulshda Somaliland ee Toronto ay abaal ugu hayaan. Wariye C/laahi Maxamed Cali ayaa leh aqoon iyo khibrad dhanka baahinta, diyaarinta wararka, barnaamijyada iyo ku shaqaynta qalabka baahinta ee TV iyo idaacadeed, waxaanu ka mid yahay shaqsiyaad tirade yare e ugu waayo aragsan isla markaana aad loo daawadao barnaamiyadiisa marka loo eego barnaamijayda ka baxa TV-yada ku hadla Af-ka Soomaaliga.
Uqoonsiga wariye C/laahi Maxamed Cali in uiu yahay wariyaha sanadka ayaa ku soo beegantay xili sida Hadhwanaagnews.com xogo ku heshay ay jiraan masuuliyiin uu hore u wareystay iyo kuwo aan jeclayn sida hufan ee dhexdhaxaadka ah mararbadan loogu hanjabay in laga joojinayso barnaamijkiisa TV Qaranka . taas oo uu xataa la sheegay in dodo uu qabtay la soo dayn waayey sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka qaybqaatay dood siyaasadeed ay kaga qaybtaan barnaamijkiisa Madasha Qurbejooga oo la amaray in aan la baahin, hoostana la iska dhigay iyo in barnaamijyadiisa si dheeraad ah loo eego marka uu siyaasiyiinta ku soo qaato.
Bahda Hadhwanaagnews.com iyo inta jecel saxaafadd xorta ah waxa aanu halkan hambalyo uga soo dirayanaa wariye C/laahi Maxamed Cali oo ah shaqsi hormood u ah saxfiyiintaa Somaliland maanta ku faanto. Hamblay C/laahi!
Halkan ka daawo wareysiyadii ugu cajiibsanaa ee uu qaado iyo barnamaaijyadii Gilgilay dadka iyo masuuliyiinta xukumada SL.