Fadeexad TV Qaranka iyo Talaabo Cusub Oo Cadaalad Daro ah Oo uu Qaaday Maareeyuhu Oo Uu Ku Soo Waariday Wariye Kale
"Waa marki 2aad ee Wariye laga soo dul dajiyo Wariye kale si Eexi Ku jirto lana siiyo lacag ka badan ta ay qaataan wariyeyaasha dalka joogaa"
Iyadoo bulshasda Somaliland gudo iyo dibadba is weydiiso faa'iidada uu u lee yaha TV Qaranka oo ah mid ku kooban buunbuunita xukuamad Siilaanyo iyo faaf-reebka warark xusbiyada mucaaridka ee xaqa u leh in ay helaan qaybtooda baahinta idaacadeed, ayaa haantana qaaday, isla markaana uu maareeyaha TV Qaranku ku talaabsaday ficil muujinaya godob uu ka galay wariyeyaasha aqoonta iyo kartida u leh baahinta barnaamijyada ee hore dalka u sii joogay kana mid ahaa shaqaalaha TV iyo guud ahaanba wasaarada. Saxaafada madaxbanaan oo aad u darista qaabka guracan iyo nidaam darada lagu maamulo TV Qaranka oo lagu bixiyo lacagta ugu badan, taas oo ka badan laba wasaaradood oo xukumadu ah.
Haddaba dhacdada argagaxa leh ayaa ah iyadoo mar labaad uu ku dhaqaaqo Maareeyaha TV Qaranku Khadar Cali Gaas talaabo lagu tilmaami karo cadaalad daradii ugu weynayd ee abid soo marta shaqaale dawladeed heerkay doonaan ha ahaadaane oo si badheedh ah loogu dhaqaaqo. Cadaadalad adarad hore ayaa ah iyadoo mudo ka yar sanad markii loo magacaabay maareeyenimada TV Qaranka uu si hogaansamaan ah u filiyo dalab kaga yimid wasiirka duulista iyo hawada, wasiirka madaxtooyada iyo xubno ku gardaadiyey madaxtooyada si xilka loogu dhoobo, dalabkaa s oo ah in uu ka caawiyo la qabsiga iyo degitaanka magaalada Hargeysa iyo sidoo kale samaynta jariirad loo maalgalinayo wiilka ka ay soo saart Hadhwanaagnews.com ee Maxamed Axmed Cigaal oo intii uu dalka UK joogay la baxay Munir. Cadaalad daradaas ayaa ah in Muniir oo hore tv qaranka wariye uga ahaa magaalada Birmimingham ee dalka UK loo soo wareejiyo Hargeysa, isla markaana lagu siiyo mushaar ka badan kii uu ku qaadan jiraay dalka UK, isla markaana laga bixiyo kirada guri uu ku jiray xiligii uu arooska ahaa iyo haatan oo uu ku jiro dagsiimooyinka cusub ee la kiraysto ee loo yaqaan arbeekooyinka. Taas oo celcelis ahaan lagu la siiyo lacag ka badan $2000, (2 kun oo dollar) bishii. Hadda ma jiro wax aqoon dheeraad iyo mid jaamacadeed oo ka baxsan in qoraalo uu u dirijiray Hadhwanaagnews.com, haddana la dul keeno saxafiyiin 100& kaga aqoon iyo waayo arag badan.
Doorkana cadaalad darada iyo fadeexadada cusub waa iyado sidoo kalena maareeyaha TV Qaranku ku kaco talaabo hore ugu hir gashay, taas oo ah in uu markana soo tahriibiyo gabadh ka tirsanayd TV Qaranka laantii London, waa Bushaaro Cali Bande. Bushaaro waxa London looga keenay ma ah in saxafiyiinta kale, sida hablaha jooga TV Qaranka kaga aqoon badan tahay, waayo waxa aqoon ah oo ka badan intii ay ka soo heshay Universal TV iyo muddii ay joogtay London ee TV Qaranka oo aanay dhaafin in ay soo dayos barnaamij stuyow lagaga duubo oo heeso ah mooyee wax kale waligeed looga baran, barnaamijkaas oo laftiisu ahaa mid laga dheegay mid ay soo daynayeen hablaha Hargeysa jogaaba oo aan loo baahnayn, balse naas nuuji ahaa kadib marki laga eryey Universal TV. Waxaana Tahriibtan cusub ee Bushaaro Bande tahay qorshe taxan ilaa madaxtooyada, wasiiradii hore u soo hagay Muniir iyo Khadar oo ah nin la marsado wixii ay doonaan dadka ka xiga xaga Madaxtooyada ee Reerka Siilaanyo.
Arinta keentay in la soo qato fadeexadana waa waxa is-qaban la ee ah in wariye dalka si joogay oo ka aqoon iyo waayo arag abadan la dulkeeno wariye heerkeeda la cabiri karo, isla markaana loogu daro lacag mushaar ah oo aanay qaadan shaqaalaha wasaarada mid TV ka shaqeeya iyo mid radio ka hawlgala toona. Sida ay Bushaaro iyadoo ku faanaysa u sheegtay haweenay ka mid ah kuwa kula kulmay Hargeysa ay tidhi " Walaal arinkayga London anigoo jooga ayaa la soo dhameeyey, waxaanan la ii ogolaaday in guriga aan Hargeysa ka kiraysnayo iyo noloshaydaba kharaskeeda la bixiyo..... oo haddii kale miyaan London ka iman lahaa...."
Bushaaro waxa ay sheegeysa waa lacagtii ay ku qaadan jirtay oo lagu qiyaasay in ay ahayd ilaa $800 (sideed boqol) oo doolar lacag u dhiganta in looga dhigay in ay qaadato lacag aan ka yarayn ta la siiyo wiilka Muniir. Waxa TV Qaranku bixinyaa oo u siinayaa mushaar Bushaaro lacag dhan intii ay London ku qaadan jirtay oo la saddex laabay (3X $800) Intaas oo ay u dheer tahay in ay ka hesho lacago joogto ah wasaarada Duulista iyo Hawada oo sidoo kale Wasiirku ugu balan qaaday.
Mar ay khadka telefoonka ku hadlaysay iyadoo qof kale u sharaxysa habeen dhaweyd oo ay fadhiday meel aan sidaa iiga durugsanayn hutel aanu fadhinay ayaa iyadoo farxadi ka muuqato tidhi "...Walaal miyaan Muniir ka liitaa.." Haddalkani wa ka igu dhaliyey in aan qormadan u soo bandhigo bulshada, waayo waxa aanu hore uga aamusnay tii hore, iyadoo aanu ka baqaynay in si kale loo arko, hase ahaatee tani waa mid aan laga aamusi karin, isla markaana ah cadaalad daradii hore ee uu ogolaaday Khadar Gaas inuu mar kale fuliyo, iyadoo xoolihii umada lagu naas nuujinayo dad si gaara loo soo xulay.
Sidoo kale arintani waxa ay niyad jab ku tahay shaqaalaha sida hagar la'aanta ah had iyo gooraale loogu dul naaxay ee shaqsiyaad si gaara loo wato laga soo dul dajinayo, lana siinayo mushaar yar oo aan u dhigmin marnaba kuwa sida gaar ka loo wato.
Haddii uu beeninayo Maareeye Khadar Cali Gaas ariintan waxa aynu uga fadhinaa in uu muujiyo TALAABO CAD oo uu ku soo badan dhigayo sobobta loo dul keenay wariyeyaasha dalka kuwo kale oo gaar loo wato iyo in uu CADEEYO lacagaga la siinayo, maadaama la og yahay in aanay marna uga imanayn dalka UK lacag yar oo shaqaalaha uu qaato.
Haddaba waa maxay fadeexadan cusub ee badheedhaha ah ee uu aqbalay in lagu dhaqaaqo oo iyadoo ay jiraan wariyeyaal aqoon buuxda u leh baahinta barnaamijyada, sida kan ay soo jeedisay ee Cawayska TV Qaranka oo la og yahay in ay hore u soo jeedin jireen wariyeyaal ruug cadaa ah oo uu ka mid yahay Maxamed Xuseen Abees iyo hablo toolmoon oo hore uga tirsanaa TV Qaranka. Cadaalad intee leeg ayey se tahay in wariye laga keenay London uu ka mushaar bato wariye hore dalka u joogay, iyagoo aan ka waayo arag badanayn.
Waxa xusuus naga ah in u jeedadu ahayn in aanu daba galno labada wariye ee maqaalkan ku magacaaban, hase ahaatee waxa keenay waa cadaalad darada iyo XOOLO -CIRDOONKA ay kaga yimaadeen UK oo ay maanta og yihiin in ay kaga wanaagsanaanayaan marka loo eego dakhligooda soo galaya.