DARYEEL FOUNDATION THE NETHERLAND OO KOONTEENER QALAB CAAFIMAAD IYO COMPUTERO ISUGU JIRAY KU WAREEJISAY CISBITAALKA IYO KULIYADA BADA BERBERA
Daryeel foundation ayaa ku wareejisay cisbitaalka berbera iyo kuliyada bada berbera iyo dugsi caruureed hal koonteener oo isugu jira qalab caafimaad dawooyin iyo computero qalabka quusida badaha iyo qalab caruureed oo goobahaasi lologu talo galay ayaa lagu kala wareegay dekeda berbera dhexdeeda halkaasi oo kontenerka lagu furay waxaana madashaasi goob joog ka ahaa Xubno ka socday daryeel oo uu kamid ahaa Dr Bitar oo sheegay inuu ku faraxsanyahay deeqdii oo soo gaadhay cidii loogu talo galay
waxaanu xusay in daryeel la sahqeyso gobolka saxil, waxa isna daryeel cabdirisaq cali xuseen oo sheegay in qalabkan lagu wareejiyey cisbitaalka iyo kuliyada bada berbera. waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubnihii madaxda ka ahaa ee qalabkaasi gudoomay oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha Gudiga Caafimaadka Gobolka Siciid Macalesh oo sheegay inuu ugu mahadnaqay daryeel qalabkan iyo dawooyinkan ay cisbitaalka ugu deeqeen isla markaana waxa uu sheegay inay dayactireen waadhka caruurta ee cisbitaalka taas oo sheegay inay ka dhego adeygeen UNICEF oo ay hore uga codsadeen
waxaanu xusay inay ku mahadsanyihiin dhalinyaradaas reer holland ee gobolka u dhalatay. waxa iyana halkaasi ka hadashay Canab bare oo ka mid ah maamulka kuliyada bada Berbera waxaanay sheegtay inay daryeel ka shaqeyso kuliyada bada isla markaana wax la taaban karo ka geysatay iyadoo sheegtay inay ugu mahadnaqayso deeqdan haatana ay soo gaadhsiiyeen ee qalabka qiimaha leh ku jiro waxay xustay inay ka faa'iideysan doonaan insha allaah. waxa isna halkaasi ka hadlay wiil ka socday dugsiga caruurta ee qalabkan ka mid ahaa taas oo uu sheegay inuu ugu mahadnaqayo qalabkan ay usoo direen lana gaadhsiin doono cidii loogu talogalay waxaanu shegay in daryeel ku mahadsantahay.
Gunaanadkii munaasibadaasina waxa ka halday gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka berbera cabdi jaamac faduul oo sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee uu arkayo dhalinyaro gobolku qurbaha ku yeeshay oo u shaqeynaysa isla markaana uu uga mahdanaqayo daryeel waxa ay qabtay isagoo ku faraxsan maamul ahaan ay soo dhaweynayaan idinka eebe. Konteenerrka oo soo socday mudo waxa solo diray daryeel foundation oo sheegay inay lix bilood soo wadeen balse ay ku adkaatay shirkadii rari lahayd budhcad abdeeda awgeed sida uu sheegay gudoomiye kuxigeenka daryeel foundation oo holland jooga abdiraxman ibraahim waxanu sheegay in mudo labo sano ah la qorshaynayey kontenerkan oo la habaynayey qalabka mudona uu u cadilnaa cid qaadi lahayd isal markaana uu soo maray ilaa lix dekedood oo transit ku ahaa dhibtaas loo soo maray waxaanu cabdiraxmaan ka codsaday reer berbera inay ka faa'iideystan oo aan lagu ciyaarin isagoo ku dheeraaday in daryeel la sahqeyn doonta gobolka lana shaqeynaysay labadii sano ee u danbeysay. www.daryeel.eu oo ah boga daryeel ka dheeho mashaariicda horumarinta ah ee socda.
ugudanbeyntii daryeel waxay ka shaqeynaysa gobolka saaxil 4 sano ee u danbeysay iyadoo ay mashruucyadii ugu waaweynaa ee ay ka fuliso uu kami ahaa qalabeyntii iyo hirgalinta maktabada kuliyada bada berbera hirgalinta dayactirka lagu sameeyey waadhka caruurta ee cisbitaalka berbera iyo qeybta dhalmada iyadana la bilaabayo hirgalinta koobab kubadeed oo berbera lagu qabtay iyo hawlo kale.