Sidee Aad U Aragta Qaabka Wararka Ay Hadhwanaagnews Idiinku Soo Gudbiso
Shabakadda Wararka Hadhwanaagnews waxay habeen iyo maalin u heegantahay isla markaana dedaal balaadhan ugu jirta sidii ay u balaadhin lahayd qaabka ay usoo tabiso Wararka,Waraysiyada faalooyinka iyo ra'yiga dadweynaha.
Hadhwanaagnews Media waxay ku guulaysatay in ay daafaha adduunyada oo dhan markii ugu horaysay xafiisyo ka furato iyadoo wararka caalamiga ah iyo kuwa ka dhaca geeska afrikaba si tallan taal ah la idiinka soo gudbiyo sida Shanta qaaradood ee aduunku ka kooban tahay, dhinaca kale Hadhwanaagnews waxay ku dadaalaysaa sidey Cidaacad wada gaadha dalka oo dhan u geyn lahayd Dalka Somaliland waa marka lafaxo Qadabka Cidaacadaha ah.
Haddaba waxaanu usoo bandhigayna akhristayaasha Hadhwanaagnews inay fekerkooda bal ka dhiibtaan qaabka ilaa hadda aanu Wararka usoo gudbino, annagoo talladayadu tahay inaanu Hadhwanaag Media ka dhigno haayadda wararka ugu balaadhan dhulka Soomaalida iyadoo wararka Geeska Afrika iyo kuwa caalamiga ahba la idiinku soo gudbin doono daqiiqad, daqiiqad iyo warar dheelitiran oo lagu kalsoon yahay.
Fekerkaaga waxaad kusoo qortaa adigoo cabiraya bal sidaad u aragto Qaabka ay Hadhwanaag Media Wararka iyo Macluumaadka kale idiin kusoo gudbiso.