Boorame(HWN)-Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar oo katirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana, xubin ka ah Xubnaha Xisbiga Kulmiye uga soo baxey Gobolada Awdal iyo Salel, ayaa Sheegay in ay Guud ahaanba qaadaceen Shirweynaha soo socda ee Xisbiga Kulmiye isagoo ku sababeeyay arimo la xidhiidha cadaalad daro ay katirsanayaan saami Qeybsiga Xubnaha ergooyinka ee ka Qeybgalaya Shirweynaha sida loo soo qeybiyay.
Waxaanu Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar(Mahdi-Gees) ka deyriyay in nidaamka saami qeybsiga ay saluugsan yihiin uu eedeeda kali ku yahey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo u badheedhay haseyeeshee, aanay shakhsi kale ku labeynin Xildhibaan Mahdi Gees oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews kula soo Xidhiidhay Khadka Isgaadhsiinta isagoo jooga Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal,
waxa kamid ah hadaldiisii.
"Anigoo ah Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar oo ku hadlaya Afka Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee Gobolada Salel iyo Awdal, waxaan halkan ka cadeynayaa inaanu qaadacney guud ahaanba Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee dhawaan lafilayo in uu qabsoomo kamana qeyb galeyno, cid kale oo aanu ku eedeyneyno saami qeybsiga Xubnaha ergooyinka ka qeyb galaya Shirku majirto oo aan aheyn Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi horena, waa loo ogaa hadana wey dhacdey waana arin dad badani aaminsanaayeen in koley iyo koley uu Muuse cadaalad daro sameynayo hadii uu Maalin kaliya u madaxbanaanaado arimaha Xisbiga Kulmiye waxa laga fishaa waa cadaalad daradaa iyo wax lamid ah markiisana, ma adkeysto Muuse, hadii inyar lagu adkeeyo arimaha marba gidaar ayuu isku qaadaa, waxaan hadalkeyga kusoo koobayaa, anigoo mar labaad halkan ka cadeynaya in aan ku hadlayo afka Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee kasoo jeeda Gobolada Awdal iyo Salel ee katirsan Xisbiga Kulmiye inaanaan ka qeyb galeynin Shirweynaha Xisbiga Kulmiye"Ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Gees.
Waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo gunaanadey in aanay habayraatee, cid kale ku eedeeynin Cadaalad darada ay ka tirsanayaan, nidaamka Saami Qeybsiga Xubnaha ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha haseyeeshee, ay horeyso iyo dambeysaba ku eedeynayaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Cabashada lagaga deyrinayo Saami Qeybsiga Xubnaha ergooyinka ee Xisbiga Kulmiye ayaa, maalmahan siweyn loo dareemayaa, iyadoo aan wali si rasmi loo soo saarin, waxaanay Qeybo badan oo katirsan Xisbiga Kulmiye aad uga deyrinayaan hogaanka Xisbiga Kulmiye iyadoo aanay cabashadani ku koobneyn Xildhibaanada Reer Awdal.