Ugaas Xawaareeya oo Magalada Toronto Qado Sharaf iyo soo dhaweyn aad u Baladhan loogu sameeyay Daawo + Sawiro. |
Dhamaan qurbe jooga reer somaliland ee kudhaqan toronto. ayaa qado sharafeed heersare ah oo aan hore laa arag u sameeyay . ugaas cabdilaahi (xawaareeye) oo ku sugan wadanka canada gaar ahaan toronto. hadaba waxa goobta qadada lagu qabtay oo ahayd hudheel cusub oo ay reer somaliland leeyihiin oo cusub lana yidhaahdo SAHAN.
|
goobta oo ahayd meel aad u quruxbadan ayaa waxa isugu yimid boqolaal qof oo reer somaliland ah. waxaana goobta soo gaadhay ugaas xawaareeye. oo qadada lagu soo dhawaaynayay, Looguna talogalay. Qaar kamida shacbiga reer somaliland ayaa ku soo dhaweeyey ugaaska huteelka iyo magaalada canada oo uu ugaaskuna dagan yahay.
|
hadaba intaa kabacdi markii laqadeeyay ayaa ugaas xawaareye halkaasi kahadlay isaga oo ku furay hadalkiisi sidan. asalaamu calaykum dhamaantiin waxaan idinku salaamay salaanta islaamka. salaam kabacdi waxaan idinka mahadnaqayaa sidan quruxda badan ee aydu iigu samayseen qadadan. intii abaabushay iyo intiina kaqaybqaadatayba waxaan idin leeyahay ilahaahay,ha idinka abaal mariyo, hadaan idiinka waramo wadankii oo aan hada ka imid xaaladiisa, waa lagu nabad qabay waana lagu fiicna. hadaba waxa uu wadan keenu kudhisan yahay dhinac walba waa qurbe jooga intiisa badan markaa waxaan ogahay sida aydu wax walba ugu heelantihiin ee waxqabad, dadaalkiinana inaydu intaas kasii badisisaan oo aydu u guntataan weeyan.
|
waxa ay somaliland ku dhisan tahay waa dad. cudud midaysan leh oo tiirka ilaahay u adkeeyay, ilaahay mooye cid wax ka qaadi kartaana jirin. waxaan hadal kayga ku soo gaba gabaynayaa isku duubnaada wax wada qabsada mid ahaada, fakir kiinu ha ahaado sidii dal aduunka laga ictiraafsan yahay dhakhso u noqdo ku dadaalo, ul iyo diirkeed ahaada dhamaantiin, waanan idiin ducaynayaa.
Hadhwanaag
Toronto, Canada
|
|