Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Putland Oo Bookhday Buuraha Gal-Gala Oo Ay Ku Sugan Yihiin Ciidanka Daraawiishta Putland Daawo-sawirada.
Garoowe(HWN)Bookhasho aan hore loo shaacin ayaa madaxwaynaha maamul goboladeedka putland DR Cabdi walia Maxamed Cali Gaas ku tagay buuraha gal-gala oo ay saldhigi ku leeyihiin Ciidamada Daraawiishta maamulka putland.
Degaanka Gal-gal oo ka tirsan degaanka maamulka putland ayaa waxa ku sugan ciidamo ka tirsan xarakada al shabaab kuwas oo halkaas ay iskula dagalamaan ciidanka maamulka putland,.
Booqashada uu madaxweyne Gaas,ku tagay buuraleyda Gal-gala waxaa ay ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyey ee Puntland ka tirsan ee taga,buurahas.
Madaxweynaha waxaa la sheegay in booqashada ay ku waheliyen saraakisha ciidanka Puntland iyo xubno ka mid ah gollaha wasiirrda Puntland,waxaana wasiirrada ka mid
ah wasiirka amniga.Saraakiisha ku sugan buuraha Gal-gala ayaa madaxweynaa uga warbixsay xaaladda ciidamada difaaca ee Gal-gala ku suganyihiin ,waxaana ay sheegen inay xilligan si muuqata uga hortagayaan kooxda Al-shabaab ka tirsan kuwaaso ku dhuumaleysta buuraha Golis.
Madaxweyne C/wali Gaas,ayaa isagoo la hadlay cutubyo ka mid ah ciidamada waxuu u sheegay in xilligaan Puntland ay ka go’antahay la-dagaallanka argagixisada iyo Al-shabaab,isagoona intaas raaciyey in la xoojin doonno dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Sidoo kale madaxweyne Gaas,waxuu u sheegay ciidamada in la magacaabay taliyaha ciidanka daraawishta agaaga Gal-gala,kaddib markii weerar ay kooxo ka tirsan Al-shabaab ku dileen taliyihii hore ee ciidanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ballan-qaad in u sameeyey ciidanka,waxuuna u sheegay in la qalabeyn doonno si dhowna xaaladoda ay xukuumaddu ula socon doonto,waxuuna madaxweynaha lugta mariyey deegaanada ku hareersan buuraha Gal-gala.