Ku soo dhawaada Dabaaldegga maalinta Ciidal Fidriga ee ay kuu diyaarasay Sakinah Community Center. Damaashaadka layaabka leh ee sannadkan nagala soo qayb gal . Waxa kuu diyaara in maalinta aad dareento farxadda ciidda barakaysan adiga oo la wadaagi doona bulsho Muslimka ah ee fara badan . Noocyada kala duwan ee caruurta lagu ciyaarsiiyo , cuntooyin , dabaal, iyo ciyaaro kale oo badan , haka qadin ubadka maalinta e ku soo biir bulsho waynta muslimka ah ee halkaa ku qaadanaysa farxadda Ciidal Fidriga. Gaadhsii ciddaad jeceshay inay kula damaashaado maalinta si aad ajarkeeda u hesho. Flyerka hoos ku yaalla ka akhriso meesha lagu qabanayo iyo macluumaadka kaleba.