Hadhwanaag

Welcome to Hadhwanaag

Home

Samsam Cabdi Aadan

Dahabshiil CEO Abdirashi

page195

page194

page193

page192

page191

page190

page189

Ahmed Osman Guelleh JSK

Samsam Cabdi Aadan tuug

samsam abdi adan 6

page185

page184

page183

page182

page181

page180

page179

page178

page177

page176

page175

page174

page173

page172

page171

page170

page169

page168

page167

page166

page165

page164

page163

page162

page161

page160

page159

page158

page157

page156

page155

page154

page153

page152

page151

page150

page149

page148

page147

page146

page145

page144

page143

page142

page141

page140

page139

page138

page137

page136

page135

page134

page133

page132

page131

page130

page129

page128

page127

page126

page125

page124

page123

page122

page121

page119

page120

page118

page117

page116

page115

page114

page113

page112

page111

page110

page109

page108

page107

page106

page105

page104

page103

page102

page101

page100

page99

page98

page97

page96

page95

page94

Wadani

page93

page92

page91

Jamaal Toronto

page90

page89

page88

page87

page86

page85

page84

page83

page82

page81

page80

page79

page78

page77

page76

page75

page73

page72

page74

page71

Cikuse

page70

page69

page68

page67

page66

page65

page64

Sakinah

page63

page61

page62

page60

page59

page58

page57

page56

page55

page54

page51

page53

silanyo dhagax dhig

silanyo borema

page43

page49

Barcelona

india

war2

warancade

Indhoole

Cabdilahi mahamed Ali

AMINA WARIS LONDON

siilaanyo2aad

bacado

tvga qaranka2

SACIIC ALI MUUSE

sln

New Hargeisa Hospital

Amiin Artis 2 Pictures

page44

Yaman

page50

Ciyaar2

Van Doorn

samaale2

Gabar Yar Aids

Kulmiye

page47

page40

page14

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

page2

page4

UCIDsafar2

Suxufi Solja

Faaliyaha Qaranka2aad

Faysal Khudbad

Wasiirka Arimaha dibadda

page48

Ahmednassir Jibril Farah

bUUG

SIILAANYO

Wasiirka somaliland

Wasiir Warancade

Fanaanada Hodan C/Raxman

AMINA WARIS

page45

Cabdiqadir Juba

Ugaas Xawareeye2

Sakinah Community Center

Nicholas Kay

ProfAhmed Ismacil Samatar

page46

Profoser Ahmed Ismael Tor

Husein ADucale Austria

Wasiirka Biyaha S/land

Wasiirka Dibadda shir

Mahamed Hashi

Zimbabwe

King Khalid

Ethiopian air

booyadaha hargeysa

Jewish Ethiopian

Nimco Degan

geela

Adna Australia

coomeey

JAMAC QALIB

Universal Kulmiye

BOOBE

Maandeeq TV

Wadani Toronto

MilgoTv

Ucid ads Toronto

page52

AmiinArtis

UcidToronto

sweden

Mo Farah

Audio

 
Maxaad ka og tahay Wasaarada Maaliyada JSL oo u noqotay irmaan Samsam Cabdi Aadan, walaaleed iyo qoyska madaxtooyada - Sidee ayey u maalaan? Subject: Qaybtii 4aadanaad
 
 

Waa qoromo xaqiiqada iyo waxa bulshada Somaliland ka dahsoon badi ku qotonta, waa qormo aan ku koobnayn wasiirada aan maqaalkan ku iftiiminayno, hase ahaatee waxay horudhac u tahay qormoyoon aan toshka ku shidayno hanti-boobka xoogan ee aan lala gaban ee ay ku kacaan xubno badan oo madaxda sare ee xukumada Axmed Siilaanyo ka mid ah.

Qormadan qaybtii 4aad waxa aan diirada ku saaraynaya musuq maasuqa dulhoganaaya Wasaarada Maaliyada,  Samsam Cabdi Aaden oo kalsoonida ay ku abto Madaxtooyada  JSL awgeed ku dhaqanta hab cusub oo ay higaliyeen masuuliyiinta iyo madaxtooyada xukumada Siilaanyo oo aynu ugu magac darnay 'Cun anana waan cunaynaa yaanayse ciidi ina ogaan.  Waa hab cusub oo si aan u qarsoonayn, sina bulshadu uga baraad laadahay hantida uamda oo aan ku koobnayn lacag, balse leh dhul iy hanti kale oo maguuraan ah.


 
 
Wasaarada Maaliyada oo ah qasnada qaranka saboolka ah ee Somaliland lee yahay ay ku soo dhacdo cashuurta umada sida hagar la'aanta ah u bixiya si dalkoodu wax u noqdo iyo meesha ay ku soo dhacdo qadarada lacagta ah ee Somaliland lagu caawiyo, ayaa u noqday irmaan ay Samsam Cabdi Aadan u maasho nafteeda, qoyska madaxtoyada iyo xubno wasiiro ah oo waxa jeebka looga lisay ay oogadooda  maanta ay ka muuqato.

Wasiir Samsam oo aan lahayn aqoon tii wasaarada balse door bidaysa  ulisida nafteeda iyo qoyska madaxtooyada oo ah kuwo nooceedu aanu Somaliland soo marin, marka aad eegto boobka hantida umadda ee badheedhka ah. ayaa sidoo kale Samsam waxa ay si xirfadaysan shilimada ay qaranka ka weecsato ku qarsata walaal keed Maxamuud Cabdi Aaaden oo ku magac dheer Xaaji, oo ah khabiir bulshada ka dahsoon oo qoyska Madaxtooyada iyo Samsam u qaabilsan wax-kala farsamaynta.

Hase ahaatee Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aden oo ay saaxiibo dhaw yihiin Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Amina Maxamed Jirde ,  ayaa marwalba kalsooni buuxda kahaysata aqalka  looga taliyo ee madaxtooyada JSL, sidaa awgeed ayaa waxay Wasiir Samsam ka duushaa in aanay haba yaraatee dib uga joogsan hantida umada ee ay musuqmaasuqayso,iyadoo  siday doonto ka yeesha kayeesha, taasi oo keentay lungiga xoolaha khasnada Qaranka  JLS ku jirilahaa, laguna qaban lahaa wax anfac u leh dalka iyo dadkaba.

 
 

Maxaa u daliil ah ficilkan 'Hanti-lunsi ee ay ku mobeen qoyska madaxtooyada iyo kalkaaliyahooda Samsam Cabdi Aadan?


Waxaanu usoo qaadan karnaa, Dhawaan waxay ay Wasiir Samsam lunsatay dhul kuyaala shacabka Magaalada Hargeysa, gaarahaan goobta kadanbaysa Deero Mall xagiisa danbe dhulka udhaxaysa sarta Cumar Cali Ducaale Centre iyo Deero Mall.  Halkaas oo ay kaqaatay dhul badan oo ay ku qortay walaal keed  Maxamuud Cabdi Aaden (Xaaji) lagana iibsaday ay khasnada qaranku leeyahay, lana doonaayo in ay dhawaan dhisaan balse kabaqanayso in ay Dadwaynuhu kutoosaan, sida awgeed ayaa waxaa ay Wasiirada Maaliyadu nin markii horeba si sharci daro ah u qabsada ydhulkii Hindian Line-ka , ninkaas oo lacagtii iibka laga siiyey qasnada Qaeanaka JSL lacag dhan 75 kun oo calaa balodh loo xisaabiyey 25 kun, ninkan oo ogaa in aanu markii horeba lahayn dhulka, ahaana danyar meesha degtay Hargeysadan dambe.

Musuq maamusuqa ay Samsam iyo walaal keed Xaaji ku hayaan Wasaarada Maaliyada kuma koobna oo qudha intan balse waxay  Hadhwanaagnews  ku haysaa baadhis xoogleh taasi oo soo hurgufi doonta meelkasta oo ay shilimaad mususq maasug lagashay Wasiirka  Maaliyadu.

Waxaa Wasiirada Maaliyadu ay dhawaan ay lacag badan oo qasnada qaranka laga saaray lagu wareejiyay Maxamuud cabdi Aadan lacag taasi oo lagu iibsaday Beer ay ka iibsadeen duleedka magaalada Hargeysa, waa Meesha looyaqaan Geedeebleh.  Beertan oo ah mid aad u wayn qiyaasteeduna tahay 2KM oo isku wareeg ah, waxa ay wasiir Samsam kadhistay guri aad u weyn oo hada la dhameystiray, taasi oo ay maalin kasta oo Khamiis ah, galinkeeda danbe kabaxdo Wasiirsad Samsam kuna soo qaadato nasasho ilaa maalinta Sabtida oo ay halkaas kas soo shaqo tagto. Waxay beertani doonaysaa iyadoo adeegsanaysa walaalkeed in lagu bixiyo xoolaha Wsaarada Maaliyada laguna waxna lagu beero oo laga dhigo beer bustaaneed ay wakhtiyada ay xilka kadagto doonayso in ay u noqoto meel lagu raaxaysto lagana manaafacaadsado qaab dhaqaale ahaaneed. Waxaa beertan ay galisay lacag kudhow sida ilo aad loogu kalsoon yahay  Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen lacag dhan  $480,000 oo Dollarka Maraynaka ka ah.

Wasiir Samsam iyo walaadkeed Maxamuud Cabdi Aaden (Xaaji) oo ah qofka ay lacagta kuqarsato, ayaa waxa uu mudo aan sidaa u dhawayn  ku dhawaaqay lacag ururin loos ameenayey Garoonka Xasan Xoog Basketball  oo si taburuc ah loo dhisayo, waxaanu sheegau inuu ku tabaruucay lacag shan kun oo Doolar, ( $5000)  waxase isla lacagtaas aroornimadii laga soo saaray Wasaarada Maaliyada, halka dadku moodayeen lacag uu bixinayey isagu, hase ahaatee waa astaan yar oo muujinaysa sida ay Samsam uga dhigatay qasnada qaranka jeeb ay leedahay o ay siday doonto iyo goortay doonto u galiso.


 
 
Sida ay Shabakada Hadhwanaagnews.com u xaqijiyeen dad yaqaan marwada madaxwaynaha Marwo Aamina Waris ayaa sheeg in ceebta iyo taariikh raacaysa qoyska madaxtooyada ay moodayaan in ay tahay mid Samsam Cabdi Aadan oo ay wadaagaan hanti-boobka ay raacayso Samsam oo kali ah, hase ahaatee waxa muuqata in inta ay qaadato Samsam ay ka weyn tahay inta qoyska Madaxweyne Siilaanyo, oo ay ugu horeeyaan wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Moorgan iyo Aamina Waris.

 

11 Sept 2015 ayaa wasiir Samam Cabdi Aaden  amar kusiisay in walaalkeed xaaji lasiiyo gawaadhida  Gudida Doorashooyinka loo soo iibinayey, taasi oo keentay in ay Wasiirka Maaliyadu, waa Samsam Abdi Aaden ay toos u siisay Walaalkeed Xaaji dhamaan lacagtii lagu soo iibiyay gawaadhidaas hada ushaqaysa Komishanka  Doorashooyinka Qaranka.  Xaaji oo caadaystay in uu walaashii ka dhaadhiciyo gawaadhin in ay yihiin kuwa qaaliya, duldhigtana calaa gaadhigii inkabadan $30,000.

Hadhwnaagnews Waxaanu dabagal kusamaynay qiimaha gawaadhidaas laga soo siiyo Dubia, gawaadhin oo midkiiba yahay inta u dhaxaysay 45 kun oo doolarka Maraykan ka ah.  Hadaba sida ay hadhwanaag heshay ayaa Maxamuud Cabdi Aaden waxa uu calaa gaadhigii dulsaartaa qiimaha uu joogo mid lamid ah, taas oo ay Wasiir SamSam Cabdi Adaam ay marwalba Waxii uu walaalkeed keeno aanay ka keenin wax xisaab ah, iyadoo mu aadininta reer Somaliland ee hore u keeni jirtay lagu xidhay geed loona diiday in ay haba yaratee wax saamayn ah kuyeeshan, qandaraasyada qaranka kubixinaayo iibka gawaadhidan.

Waxaan tusaale usoo qaadanaynaa gaadhi kujira guriga Wasiir Samsam CAbdi Aaden oo Landcruesil ka CAdaanka the latest modelka , oo laga musuq maasuqay gawaadhidhii loo keenay Komishanka Qaranka ayaa waxaa si badheedh ah oon kagabasho lahayn ladoonaayay in laga iibiyo Ninka kumaga caaban Sheekh Saleebaan Siciid Cali  oo ahaa maareeyihii Haamaha Shidaalka Berbera kaas oo markii hore Maxuumud Cabdi Aaden kaqaaday guno yar oo ah inuu gaadhi ukeeni doono lacagta kuhadhsana uu bixiyo marka gaadhi uu xaaji keeno.

Waxse Xaaji kaqaaday gaadhii MR saleebaan markii uu bixin waayay lacagta qaybtii kahadhsanayd, gaadhigaas oo hada ku xaraysan guriga Wasiir Samsam Cabdi Aaden, balse sifo khaldan iyo musuq maasug kuqaadatay gaadhigan iyadoo kadhigaysa wax uuleeyahay mulkiile Xaaji balse yahay xoole Dawladeed oo lamusuq maasuqay. Waxaana Hada loodon doonayaa Gaadhigan waa  Iib. Moodalka gaadhigaas waakan hoos kusawiran.  Goobtan aad arkaysaan waa goobta laga soo iibiyo gawaadhidaas oo kutaal magaalada dubia .  

 
 
29 septem  2015 waxay Samsam doonaysay in walaakeed ay siiso 7 milyan project ahaa oo ladoonaayay in lagucuno wax loogu yeedhay Public Financial Management System. Kaasi oo ay Wasiir SamSam Cabdi Aaden doonaysay in ay siiso oo ay u hirgaliso walaal keed Xaaji, Walaalkeed Maxamuud Cabdi Aaden oo ah gaboodka ay Wasiir Samsam kuqarsato lacagta laga musuq maasuqay Wasaarada Maaliyada Somiland.

Hase ahaatee waxaa arrinkan u cuntoobiwaayay Madaxweyne Siilanyo ganafka ku dhuftey Qorshe Wasiiradiisa Maaliyadu, SamSam Cabdi Aadan ku soo bandhigtey shirkii Golaha Wasiirada ee ay doonaysay in ay ufaruur xidho  Arrinkan Iyada Waa wasiir samsam iyo walaal Keed xaaji, si ay ulun sadaan lacag malaayiin doolar ah lagana lunsanaayo khasnada dawlada  khasnada qaranka JSL . Qorshaha Wasiirada Maaliyadu shirka Golaha Wassirada keentey ayaa ahaa, sida ay Hadhwanaagnews kuxeshay xogtaas  oo ahayd   qandaraas lagu tayeynayo Wasaarada Maaliyada oo lagu magacaabo «Public Financial Management System», aaney ku baxeyso lacag ku dhaw 7 Milyan oo Doolar. Hase ahaatee Wasiirka hore ee  Madaxtooyada, Xirsi Xaaji Cali  ayaa Madawxeyne Siilanyo kula taliyey in aan hada laqaadan mashruucan maadaama ay hada socoto wareejinta Haamaha SHilaadku.

 

Lasoco qaybta 5aad  oo soo ban dhigi doonta musuqa ragaadiyay Wasaarada Maaliyada. Iyo Maxamuud Cabdi Aaden oo ah shaqsi keena shidaalka dalka laguna heshiiyay cun Ana aan cunee cidi yaanayse ina ogaan . Lacaso Qaybta danbe oo taaban doonta shaqsiyaad aad ubadan oo dumar iyo ragba leh oo dhaqaalaha dalka lagu naasnuujiyo, kuwaas oo qaarkood dhul banaan oo ka soo horjeeda xaruntii wasaarada Arimaha Guduaha ee hore ama Xaruntii Gobolka ee hore, taas oo jeebka qaranka lagaga lunsaday $280,000 o dhulkaa la siistay.



Afeef:  Hadhwanaagnews si gaar ah uma xulan Samsam Cabdi Aadan iyo walaalkeed, hase ahaatee baadhitaanka lunsiga hantida umada ayaa soo galay, waxaana jira masuuliyiin  kale oo aanu soo bandhigayno hantidii ay lahaayeen ka hor intii aan xilal loo magacaabin iyo inta ay jeebka qaranka ka samaysteen. Hadhwanaagnews kuma shaqayso nidaam qof masuula lo beegsado beesha uu yahay iwm, hase ahaatee danta qaran awgeed waxa naga go'an in masuuliyiinta boobka ku foogan tooshka lagu iftiimoyo.

Wixii qoraalo ee aad kaga rayi-celinaysaan iyo hadba wixi la xidhiidha boobka hanti ummada Somaliland fadlan ku soo hagaaji contact@hadhwanaagnews,com

Hadhwanaagnews
Kooxda -dabagalka hanti-boobka

Lasoco Qeybaha kale iyo Sawiro Cusub.......