Hadhwanaag

Welcome to Hadhwanaag

Home

Samsam Cabdi Aadan

Dahabshiil CEO Abdirashi

page195

page194

page193

page192

page191

page190

page189

Ahmed Osman Guelleh JSK

Samsam Cabdi Aadan tuug

samsam abdi adan 6

page185

page184

page183

page182

page181

page180

page179

page178

page177

page176

page175

page174

page173

page172

page171

page170

page169

page168

page167

page166

page165

page164

page163

page162

page161

page160

page159

page158

page157

page156

page155

page154

page153

page152

page151

page150

page149

page148

page147

page146

page145

page144

page143

page142

page141

page140

page139

page138

page137

page136

page135

page134

page133

page132

page131

page130

page129

page128

page127

page126

page125

page124

page123

page122

page121

page119

page120

page118

page117

page116

page115

page114

page113

page112

page111

page110

page109

page108

page107

page106

page105

page104

page103

page102

page101

page100

page99

page98

page97

page96

page95

page94

Wadani

page93

page92

page91

Jamaal Toronto

page90

page89

page88

page87

page86

page85

page84

page83

page82

page81

page80

page79

page78

page77

page76

page75

page73

page72

page74

page71

Cikuse

page70

page69

page68

page67

page66

page65

page64

Sakinah

page63

page61

page62

page60

page59

page58

page57

page56

page55

page54

page51

page53

silanyo dhagax dhig

silanyo borema

page43

page49

Barcelona

india

war2

warancade

Indhoole

Cabdilahi mahamed Ali

AMINA WARIS LONDON

siilaanyo2aad

bacado

tvga qaranka2

SACIIC ALI MUUSE

sln

New Hargeisa Hospital

Amiin Artis 2 Pictures

page44

Yaman

page50

Ciyaar2

Van Doorn

samaale2

Gabar Yar Aids

Kulmiye

page47

page40

page14

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

page2

page4

UCIDsafar2

Suxufi Solja

Faaliyaha Qaranka2aad

Faysal Khudbad

Wasiirka Arimaha dibadda

page48

Ahmednassir Jibril Farah

bUUG

SIILAANYO

Wasiirka somaliland

Wasiir Warancade

Fanaanada Hodan C/Raxman

AMINA WARIS

page45

Cabdiqadir Juba

Ugaas Xawareeye2

Sakinah Community Center

Nicholas Kay

ProfAhmed Ismacil Samatar

page46

Profoser Ahmed Ismael Tor

Husein ADucale Austria

Wasiirka Biyaha S/land

Wasiirka Dibadda shir

Mahamed Hashi

Zimbabwe

King Khalid

Ethiopian air

booyadaha hargeysa

Jewish Ethiopian

Nimco Degan

geela

Adna Australia

coomeey

JAMAC QALIB

Universal Kulmiye

BOOBE

Maandeeq TV

Wadani Toronto

MilgoTv

Ucid ads Toronto

page52

AmiinArtis

UcidToronto

sweden

Mo Farah

Audio

 
TV Qaranka Oo Qayb Weyn ka Qaata Ka Aamin Baxa Xukumada Siilaanyo iyo Koboca Mucaaridada Oo ay Kow Ka Tahay Codka Aaan Dheelitirnayn


Bal daawo TV Qaranka, iskuna day in aad ka hesho war sugan oo dheelitiran oo ka waramaya dhacadooyinka dhabta ah ee ka oogma Somaliland, ha noqdaan kuwa sida bulsho ka cabanaysa biyo la’aanta ku habsatay, amaba muranka siyaasadeed ee xukumada iyo xusbiyada siyaasiga ah ee sharciga ah ee dastuurku dhigayo in ay naqdiyaan xukumada talada haysa. Sidoo kalena booqo goobaha bulshadu iskugu timaad sida makhaayadaha iwm,  iskuna day in aad la daawato bulshada warka TV Qaranka Somaliland, waxa markiiba aad arkaysaa iyadoo dadku uga wareegayaan TV-yada madaxbaanaan ee markaasi ay og yihiin in ay ka helayaan wararka TV Qaranku isku dayayo in uu bulshada ka idho-saabo ee markaas ee oogan “Waar inaga badala” waa erayga caanka ah ee xiliyada wararku soo galaan ee la adeegsado markuu soo galo wark TV Qarank Somaliland.

TV Qaranka oo saddex sano ka hor ay gacanta ku yahaysay xukumadii UDUB ee uu hogaaminayey Daahir Riyaale, waxa aad uga caban jiray xusbiga hadda talada haya maanta  ee Kulmiye oo mucaarid. Xiligaas waxa ay mar walba Kulmiye iyo hogaankiisii oo uu Axmed Maxamed Siilaanyo kow ka yahay ka caban jireen in codkooga la diiday in la baahiyo TV Qaranka iyo Radio Hargeysa, isla markaana uu u xagliyo xukumadii  Riyaale.  Waxa xiligaas xusbiga Kulmiye muciinsaday, isla markaana marin jiray fariimihiisa siyaasadeed saxaafada xorta ka ahayd tii uu ka cabanayey ee UDUB gacanta ku haysay, waayo sida maanta mucaaridkii shalay ee ay ahaayeen looma ogolayn in xusbi mucaarid ah maanta iyo cid xukumada siyaasiyan dhaliilaysaa fursad loo siiyo in ay fariintooda mariyaan TV Qaranka, Radio Hargeysa iyo wargeyskii la odhan jiray Maandeeq oo haatan loo bixiyey Dawan.

Intaa wax dheer iyadoo xusbiga Kulmiye uu markii ugu horaysay taariikhda Somaliland taageeraysaashiisa iyo maamulkiisuba isku kaashadaan in ay yeeshaan idaacadii Horyaal oo ay ka gudbiyaan fariimaha siyaasadeed iyo dhaliilihii ay u hayeen xukumadii UDUB ee xiligaas isku garbo-duubtay TV Qaranka iyo warbaahintii kale ee gacanta ugu jirtay.

Haatan waxa muuqata sidii iyadoo xukumada Siilaanyo waayo arag u leh sida ay u kordhiso mucaaradada saxaafad gacan-bir ah lagu qabto oo looga caago lidka siyaasiga ah ee dastuur wada wadaajiyey hay’adaha qaranka, ayaa haatan u muuqata mid iyadu haysa dariiqii UDUB iyo xukumadii Riyaale, waxayna kobcinaysaa mucaaridada wajahaysa marka ay u adeegsato warbaahintii Qaranka cabudhinta xaqiiqada jirta, isla markaana isku daydo in ay dhaleecayso saxaafada madaxabanaan ee iyadu fashilisa tabaha hore loo soo maray ee bulshadu moodaysay in ay ka gubayaan maadaama xukumada Siilaanyo balanqaadi jirtay in saxaafada qaranku dheeli tirmidoonto marka ay xukunka qabtaab, taas oo ah arin hawda loo diray oo lagu dafiray sifo fulanimo.

Dhanka kale, arinta gacanta-bir ah ee ay xukumada Kulmiye ku haysato saxaafada qaranka oo ah haddii Somaliland tahay mid dumuquraadi ah in ay si siman uga dhaxayso dhamaan bulshada iyo dhinacyada siyaasada, ayaa waxa ay jaha wareer ku riday dhamaanba saxafiyiinta ka hawlgala warbaahinta qaranka, waayo waxa ay la dawakheen maxaa ay siidayn karanaan, maxayse aanay siidayn karin. Marar badana 

 
 

saxafiyiinta ka hawlgala kuwa qaranka ee kala duwan, waxa ay la kulmaan hanjabaado in shaqada laga joojidoono iyo in haddaba wararka iyo barnaamijyada ay soo diyaariyaan  aad loo-faaf-reebo, lagana hurgufo waxybaabo laga baqayo in ay siyaasiyan waxyeesho xukumada Kulmiye ee Siilaanyo hago. Heerka gacan ku haynta iyo faafreebka aan xadka lahayn oo aan ku koobnayn idaacad iyo tv qaranka ayaa hadda maraya heer la faafreebo xubno isla xukumada  iyo  xusbiga Kulmiye ka mid ah oo loo arko in ay ka raad-baydheen inta ku dhadhow madaxtooyada ee iyagu u heelan in bustaha laga saaro  oo indhaha iyo dhagah bulshada Somaliland aanay arag ama maqlin dhaliisha siyaasadeed ee ku wajahan Xukumada.

Tusaale ahaan,  waxa dhawaan kulan balaadhan iskugu yimid saddexda xusbi qaran ee Somaliland, kuwaas oo ku heshiiyey in la soo afjaro murankii siyaasadeed ee ku aroorayey in la qaban karo dood-qaran  iyo kale, kulankaas kadib waxa ay saxaafada la horyimaadeen in ay doodii-qaran ku wareejiyeen hay’ada cilmi-baadhista Somaliland oo ay iyadana maxdeeda sarsare kulankaas ku weheliyeen xusbiyada. Warkan waxa sida idaacadaha madaxa banana laga siidaayey radio Hargeysa iyo TV Qaranka, hase haatee maalmo kadib waxa soo baxay in aan madaxtooyada laga soo dhaweyn kulankaas lagu shaaciyey in dood-qaran la qabanyo, waxaana isla wariyihii iyo masuulkii ogolaaday in TV Qaranka warkaas laga sii daayo laagu hanjabay in aanu ‘waxaas oo kale siidayn’ haddii uu markale siidaayo xilka waayidoono, waxana lagu wargaliyey in ay aad ugu fiirsadaan wararka ay siidaynayaan gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed, oo xukumada Siilaanyo ku raacsanayn go’aankii ay mucaaridka la qaateen ee dooda-qaran.

Ogow faafreebkii lagu hayey wararka xusbiyad mucaaridku isla xusbigii iyo xukumadii la isku tirinayey ayaa ay saamaysay, waayo sobobtu waa furfurnaan la’aan siyaasadeed oo baqo ku jiro oo heerkaa gaadhsiiyey in xukumadu xusbigeedii  ku samayso faaf-reeb.

Waxa xusidmudan in warbaahinta qaranku wada lee yahay, sida TV Qaranka oo magaciisuba uu ku jiro erayga Qaran, in ay iyaguna xusbiyada mucaaridku uga hadheen xukumada Siilaanyo ee garanaysa mucaarid waxa uu mudan yahay si loo helo dumuquraadiyad taama oo Somaliland ka hirgasha. Garashadaas oo ay is-diidsiinayso ama aanay u lahayn geesinimo ay ku aqbasho badalka wixii ay soo mudatay xiligii ay mucaaridka ahayd.

Markase la isku soo duubo, qaabka uu wax u baahiyaan TV Qaranka iyo Radio Hargeysa oo ah labada saamaynta weyn ku leh bulshada daawata ama dhageysata, waxa ay dhamaan qayb laxaadleh ka qaataan koboca mucaaridada xukumada Kulmiye ee Siilaanyo hagayo, waxaana soo korodhay aaminaad kabax wararka ay baahiyaan oo dhamaan xiliyada wax oogan yihiin laga qariyo bulshada Somaliland ee moodaysa in TV iyo idaacada Qaran oo ay ahayd in ay dhex ka ahaadaan siyaasada iyo siyaasiga kala jiidanaya bulshada horeba nidaamka xusbiyada ee ku dhisan mucaarid iyo muxaafid ay isku dhageystaan.

Waxase marag ma doon ah in TV Qaranku kow ka yahay kobinta mucaaradada sii xoogeysanaysa ee ku wajahan xukumda Siilaanyo oo si cad u burisay balanqaadkii ay umadda u gashay ee ahaa in ay xoojintoonto saxaafada xorta ah , ta qarankana aanay ahaandoonin sidii tii UDUB, balse taa badalkeeda noqotay xukumadii dagaalka ugu balaadhan ku qaatay saxaafadii u hiilisay xiligii ay ku mucaaridaysay UDUB oo ay maanta iskaga xusul-duubtay saxaafada qaranka  ee TV Qaranku ka kow yahay. Barina maxay inoo sheegi, maantaba waxay beeniyeen waxay shalay inoo sheegeen, waxayna galeen halkii UDUB iyo xukumadii Riyaale iyo siday ku ahaayeen mucaaridkii shalay ee Kulmiye kow ka yahay. Maamulka TV Qaranka ee Hargeysa oo ah xudunta baahintiisu qaabkan uu u wado waa ka difaac laakiin waxaanu dareensanayn in ay sumacada xukumada ay isle yihiin ku difaaca  u soo jiidayaan mucaaradad badan  leh meelo kale oo ay ka helaan wararka ay bustaha saarayaan, kuwaas oo ka badan shaashada kaliya ee TV Qaranka .


Hadhwanaag,Office

London, UK