ARAAR:
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA una taagan ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta Somaliland iyo tayaynta, sidoo kalena ah Urarka keliya ee Saxaafaddu leedahay ee sifo sharci ah lagu aasaasay, isla markaana ay ku mideysan yihiin inta ugu badan hay’adaha Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta ka hawlgasha.
Dhanka kale, Ururka SOLJA waxa xubinimo buuxda ka haysta ku dhawaad 300 Suxufi oo isugu jira rag iyo dumar, isla markaana ka hawlgala gobolada iyo dagmooyinka dalka , SOLJA iyagoo kaashanaya Ururada xuquuqal insaanka iyo kuwa u ololeeya xoriyada saxaafada iyo xoriyatal qowlkaba, waxa uu xil-weyn iska saaray sidii Somaliland u noqon lahayd dal uu ka jiro jewi ku haboon Saxafadda iyo Suxufiyiintu-ba.
Haddaba marka indho-fayo qaba lagu eego xaalada cabudhida, cagajuglaynta, iyo xadhiga saxafadda Somaliland iyo sidoo kale dhaqdhaqaaq iyo hab-dhaqano cusub oo ugub ku ah Somaliland ,kuwaasoo sida ururku xogo ku helay lagu damacsanyahay in hayadaha warbaahinta iyo Suxufiyiinta lagu kala qaybqaybiyo ,isla markaana la abuuro saxaafad saaxad ka baxsan hanaanka dimuqraadiyada ,taasoo hadii ay u suurto gasho xubnaha ku hawlan in bulshadu waydo xog sugan oo ay ku go,aan qaataan iyo mid ay rayigooda ku cabiraan.
Sidaa awgeed waxaanu ka codsanynaa m/weynaha jamuuriyada Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo inuu ilaaliyo xoriyatal qawlka , kana taxadiro in warnbaahinta iyo isaga u dhaxeeyaan dad dano gaara uga faaiidaysanaya
Geesta kale waxa uu ururuka Suxufiyiinta Somaliland ee solja baaq u dirayaa wadamada deeq bixiyayaasha iyo ururada caalamiga ah ee saxaafada iyo kuwa xoruyatul qawlka daneeya ,kuwa xuquuqal insaanka inay arimahan wax ka qabtaan oo si toosa iyo si dadbanba ula socdaan dhaqdhaqaaqyada isa soo taraya ee ka socda Somaliland inta ay wax ka qabashada leedahay .Anagoo uga digayna ururadaa iyo hayadahaas inay ku amba baraan xili ay wax waliba faraha ka baxeen
muuqata in sanadba sanadka kale kasii kordhayo inta ay xukumada ahmed maxamed maxud silaanyo talada dalka gacanta ku dhigtay, SOLJA oo in farabadan shirar iyo kulana ay arintaa ku lafa gurayso qabatay ayaa waxa kazoo baxay in ay xukumadu masuul ka tahay burburinta xoriyatal qowlka Somaliland.
Halkan waxaanu kusoo gudbinaynaa qoraalka iyo warbixin uu ururuku kusoo bandhigayo tacadiya hayadaha warbaahinta,Suxufiyiinta iyo muwaadiniinta rayigooda cabirey ee xadhiga iyo tacadiga loo gaystay mudadii u dhaxaysay JAN-JULLY -2013. ,iyagoo faahfaahsana waa sidan,