Warbixin Muujisay Waddamada ugu Xun ee Qof Bani’aadam ah ka Shaqeeyo
Waxa jira dalal badan oo aan qofka bani’aadamka ah ku noolaan karin, kaasoo dad badan hadda quutal daruurigooda kala soo baxaan, waliba si maalin leh ah, iyagoo indhahooda ku arkaya maati la xasuuqayo amma dad hortooda ku geeriyoonaya.
Haddaba, cilmi-baadhis caalami ah oo baadhitaan lagu sameeyey dalalka ugu halisaysan ee caalamka qof bani’aadam ah u quutal daruuri doonto, isagoo aan ku xisaabtami karin in caafimaad qab uu gurigiisa ugu soo noqon doono, kuwaasoo loo kala qaybiyey lix derajo oo kala ah derejada 1aad, 4aad, 5aad, 6aad, 7aad iyo 9aad waxay kala yihiin:
Derejada koowaad waxa ku jira dalalka Syria, North Kore, Eritrea, halka derejeda 4aadna oo u dhigatanta kaalinta labaad uu galay dalka DR Congo.
Dalka Bangaladesh waxa uu ku jira darajada 5aad oo ah kaalinta saddexaad, waxana ku sii xiga dalka Soomaaliya oo ku jira kaalinta 6aad oo u dhiganta darajada 4aad. Waxa iyaguna xusid mudan waddamada Pakistan iyo Afganistan oo isku derejo ah, kuwaasoo derejeda 7aad ku wada jira, kuwaasoo caadi ahaan ah kaalinta 5aad ee dalka ugu halisaysan ee laga shaqo galo, dalka Zimbabwe iyo Koonfurta Suudan oo noqday 9aad, waxay laftoodu ku jiraan kaalinta 6aad, waana meelaha waqtiyadan ugu xun ee qof bani’aadam ah quutal daruurigiisa kala soo baxo.