Xafladii Xidhitaanka Sanad Dugsiyeedka Madarisada Al-Huda 2008 Ilaa 2009 Oo Kulmiysay Siyaasiyiin Badan Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyey.
“Markaa masuuliyiinta madarisada Al-Huda ee suurtageliyey inay ardeyda intaa leeg [1070] ay waxbarasho bilaash ah helaan aad ayaan ugu mahadinayaa, waana arrin wax-wayn ku soo kordhinaysa Somaliland”C/raxmaan Maxmed C/laahi [C/raxmaan Cirro]
Hargeysa(HWN):- Xaflado isku lamaan oo isugu jiray furitaandhisme iskuul cusub ooMadarisada Al-Huda loo sameeyey iyo xidhitaanka Sanad-dugsiyeedka Madarisadaas ee 2008 ilaa 2009 ayaamaanta lagu qabtay Barxada dhismaha cusub ee Al-Huda.
Munaasibadaas oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro ka tirsan Xukuummada, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Baarlamaan [Guurtida iyo Wakiillada.] Guddoomiyaha Golaha Wakiillada C/raxmaan Maxamed C/laahi[C/raxmaan Cirro], Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Marwo Edna Aadan Ismaaciil,Salaadiin, Ganacsato, culimaa’udiin, waalidiin, boqolaal ka mid ah ardeyda wax ka barata, iyo marti sharaf kale.
Maamulaha Dugsiga Al-Huda Sheekh Axmed Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey marxaladihii kala duduwanaa ee uu iskuulka Al-Hudai uu soo maray mudadii uu jiray, haday tahay duruufihii soo waajahay iyo horumarka uu sameeyeyba.
Waxa uu sheegay inay Dugsigan ay dhigtaan 1070 ardeyoo isugu jira hablo iyo wiilal. Sidoo Kale waxa uu farta ku fiiqay waxyaabaha uu hiigsanayo mustaqbalka.
Sheekh Cabdalle Abiib oo ah asaasihii Hay’ada Al-dacwatul Islaamiya ee Al-Hudaoo ka hadlay halkaasi waxa uu ka waramay taariikhdii Iskuulka iyo heerka ay gaadheen ardaydii ka qalin-jabisay oo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu farxo oo yidi-diilo leh.
“Waxa Ilaahay Fadligii ah in ardaydii ka qalin-jabisay iskuulkan ay hada macalimiin ka yihiin oo ay wax ka dhigaan, qaar kalena ay ka soo qalin-jabiyeen jaamacado dibadeed ooku kala yaala dalalka Suudaan, Malaysia, Masar, India.”ayuu yidhi Sheekh Cabdalle.
Mar uu kahadlayeySheekhu xarunta Dugsigaasi oo ah dhisme cusub waxa uu yidhi “DhismahanDugsiga ah ee aynu imika joogno oo aan ahayn dhisme ay leedahay madarisatul Al- Huda, waa dhisme Cusub oo aan rajeynayo inla furo sanad dugsiyeedka Cusub, lana doonayo inay ka faa’iideystaan ardeyda xaafada degen iyo deegaanada ku dhadhow ay ka faa’iideystaan ayaa ah mid ay ku deeqeen oo ay ku tabaruceen oo waqfina ka dhigay dhulka uu dhismahan Dugsigu ka dhisan yahay qoyska soo jeeda Deegaanka Xaafadan [Maandeeq] oo ka tirsan Xaafada Axmed Dhagax oo imikajoogaqurbaha, oo la yidhaahdo reer C/laahi Maxamed Guuleed, iyana waxaan leenahay Ilaahay ha ka abaalmariyo.”
“Waxa kale oo aan u mahadnaqaya dadkii muxsiniinta Islaamka ahaa ee inoogu tabarucay dhismaha oo sadex qeybood ahaa oo labo ka mid ahi ay dhamaadeen, qeybta kale ee Sadexaadna waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Ilaahay inoo fududeeyo, inta ka horeysa bilowga sanad-dugsiyeedka, waxaanu ugu bushaareynaynaa ummada Xaafadan degen in loo furi doonoee ha ku talo-galaan, markastana waxa farxad noo ahayd horumarka lagaadho ee soo kordha, markasta oo uu fasal cusubi soo kordhana oo uu Dugsi hoose iyo mid dhexe ay dhameystirmaan farxad ayey noo ahayd dugsiga sare oo imika sadex sanadood la dhiganayey iyana farxad ayey inoo ahayn. Sanadka danbena waxaan rajeynaynaa in Jaamacad Al-Huda la yidhaahdo aanu Xaafada ka furno oo ay ardeydeenu u gudbaanoo bilaash ah.”
Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa u mahad-celisaydhamaan masuuliyiintii ka soo qeybgalay xafladaas waxaanay tidhi “Waxa maanta farxad-weyn ii ah oo aan aad ugu qushuucsanay marka aan arko dhismaha Madarisadan cusub oo ku yimi dedaal iyo is-xilqaan. Madarisadan waxbartay intaas oo Ubad ah waxay anniga ila tahay Beer baxday, Ubax dhashay,oo Beertiina ay dhashay khudrad iyo ubad-khayr qaba oo wanaagsan,dadkii dedaalkaas keenay waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal-mariyo sida uu idin-garansiiyey, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu dad badan oo innaga mid ah uu garansiiyo waajibka saaran.”
Edna Aadan Ismaaciil waxay waxay madasha ka shaacisay inay deeq waxbarasho Computer ah ay siin doonto, iyada oo arrinta ka hadlaysana waxay tidhi “Ardeydana waxaan xasuusinayaaqiimaha ay waxbarashada iyo cilmigu leeyahaywaxaadfursad u hesheen si lacag la’aan ah, waxaana jira ardey badan oo dhigiina ah oo waxbarashadoodalacag laga bixiyo si ay heerkiina u gaadhaan. Waxa la idiinka baahan yahay in aad asluubta, waxbarashada, iyo diinteena wanaagsanoo aad qiimo u yeeshaan, iskana ilaalisaan wixii wakhtiga idinka luminaya, kana fogaataan balwada iyo waxyaalaha wanaaga iyo quruxda aad maanta leedihiinku wadaan”
Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “Waxaan maanta balanqaadayaa ardeyda dhameysata Dugsiga sare ee Al-huda marka ay jaamacada u gudbaan in looga baahanayo aqoonta Computer-ka, Sidaa awgeedwaxaan u balanqaadayaa 5-wiil iyo shanta hablood ee imtixaanka dugsiga sare u sareeya inaan si tabaruca u siiyo.anna waxaan idinka codsanayaa inaad Caafimaadka ku soo biirtaan oo aad dhakhaatiiroo aad”.
Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Cabdi-Haybe Maxamedoo halkaasi ka hadlkay ayaa waxa uu amaan u soo jeediyey asaasayaashi Madarisada Al-Huda, waxaanu yidhi “Iskuulkan Al-Huda waa ka kaliya ee ay waxbarashadiisu tahay lacag la’aan waana fursad qaaliya, ubixiina halkan soo fadhiya waxaan ku baraarujinaya marka aad ka gudubtaan Dugsiga sare inaad ku biirtaan bahda Caafimaadka Sida,Dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo Sheybaadhista I.W.M”.
Wasiiru-dawlaha Wasaarada Waxbarashada Maxamuud Garaad oo halkaasi ka hadkay ayaa waxa uu kawaramay qiimaha ay waxbarashadu leedahay, iyo fursaha Dahabiga ah ee uu Dugsigani suurtageliyey, waxaanu yidhi “Dugsigan waxa dhigta1070 ardeyd ah oo haysata tacliin bilaa lacagta ah, Siyaasada Dawlada ee waasaarada waxbarashadu, waa in la dhiirigeliyaa gaar ahaan waxbarashada gaarka ah oo ah waxyaalaha horumarka lagu gaadho ah”
Garaadku waxa uu ardaydii halkaasi isugu timi ku booriyey inay ka faa’iideystan wakhtigooda, oo aanay dayicin.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland C/raxmaan MaxamedC/laahi [C/raxmaan Cirro] oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay farxadweyn u tahay inuu ka soo qeybgalo sanad dugsiyeedka lagu xidhayey Dugsiga Al-Huda, waxaanu yidhi “Waxbarashadu waxay ka mid tahay waxyaalaha asaasiga u ah dhismaha ummad kasta inay horumar sameeyaan oo ay Ilaahay ka cabsadaan, Markaa masuuliyiinta madaariska Al-Huda ee suurtageliyey inay ardeyda intaa leeg ay waxbarasho bilaash ah helaan aad ayaan ugu mahadinayaa, waana arrin wax-wayn ku soo kordhinaysa Somaliland. Ardeydana waxaan ku boorinayaa inay ka faa’iideystaan fursada ay heleen oo ay ogaadaan inay jiraan da’a yar iyaga laaleeg oo aan helin fursadaa “
Waxaanu mahadnaq u soo jeediyey C/raxmaan dhamaan maamulka iyo macalimiinta Madarisada Al-Huda, oo uu ku tilmaamay inay iyagu suurageliyeen fursadan dahabiga ah.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Aadan Dheere,Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Sheekh Khaliil C/laahi, Jamaal Caydiid, oo dhamaantood ku ka sheekeeyey qiimaha tacliintu u leedahay bini’aadamka, isla markaana ay tahay furaha nolosha qofka bini’aadamka, waxaanay ku booriyeen ardeyda inay halka ka sii kordhiyaan dedaalkooda waxbarasho.