Toronto(HWN)-Xusbiyahanada Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ee Toronto wadanka Canada ayaa soo agaasimay Munaasibad balaadhan oo ay ku taageerayaan Dooda Qaran ee ay dhawaan Ku Dhawaaqeen labada Xisbi Qaran ee Mucaradka ah Ucid iyo Wadani.
Waxaa kaloo Magalada Toronto ka dhacday Xaflad aad loosoo Agaasimay oo lagusoo dhaweynayay Gudoomiyaha aqoonyahanka Somaliland Xasan Jaamac Baca doo katirsan Aqoonyahamiinta Madasha Wadatashiga ee Somaliland kajira.
Munaasibadan oo aheyd mid si heersare ah loo Soo Agaasimay islamarkaana ay kasoo Qeyb galeen guud ahaanba Xubnaha ugu miisaanka culus ee Toronto Xisbiga Ucid ee wadanka Canada iyo marti sharaf aad u tira badan oo kamid ah jaaliyada Somaliland ee wadanka Canada waxa ugu horeyn halkaasi hadal soo dhaweyn iyo isugu jira ibo furka nuxurka munaasibadan ka jeediyay Afhayeenka Xisbiga Ucid ee Canada,Khadar Guun Jaamac,oo kamid ah Raga haldoorka Mucaaridka ee Wadanka Canada gaar ahaana hurmuudka Xisbiga Ucid iyadoo munaasibadan lagu qabtey Toronto 23kii bishan noofambar sanadka 2013ka oo ku beegneyd sabtidii horaantii todobaadkan,
Inkastoo hadalada Masuuliyiintani ay akhristayaashadayada qiimaha lihi kala socon doonaan muuqaalka Fiidiyowga ah waxa kale oo kamid ahaa Masuuliyiintii Xisbiga Ucid ee munaasibadaasi hadalka ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Canada Axmed Cali Sabeys oo ku dheeraadey muhimada ay dood qaran u leedahay bulshada Reer Somaliland guud ahaanba Axsaabta Qaranka Xukuumad iyo shacbiba, Sidoo kalena waxa isaguna munaasibadaa hadal ka jeediyay Wasiirkii hore ee Duulista Somaliland Maxamed Cabdi dheere, waxa isaguna munaasibadan khudbad Qiimo badan oo dhinacyo badan ka hadleysa ka jeediyay Gudoomiyaha Aqoonyahanka Somaliland Xasan Jaamac Bacad, oo isaguna ku dheeraaday muhiimada doorkan ee dooda qaranka isagoo ka mahad celiyay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Canada.
Waxa kale oo iyaguna munaasibadan hadalo ka jeediyay Eng Axmed Saleebaan(Gudoomiyaha dhaqaalaha Xisbiga Ucid ee Canada), Ganacsade Khadar Ciise, Aqoonyahan C/raxmaan Abokor, iyo rag kale oo badan oo dhamaantood isugu jira taageerayaasha mucaaridka hal adag ah ee Xisbiga Ucid, iyo xubnaha jaaliyada Somaliland ee Canada ee lagu soo martiqaadey munaasibadan, oo dhamaantood fikir adag ka dhiibtey muhiimada uu leeyahey dood Qaran iyo sidii loo falnqeyn lahaa loogana tashan lahaa aayaha Somaliland iyadoo laga duul;ayo in dabarka loo qabto Xukuumada wadankii iyo shacbigii dib ugu celisey hanaanka beeleed ee waklhti hore laga soo gudbey.
Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa kamid ahaa kuwa ugu cuslaa ee indhawaale ay ku kulmaan Mucaaridka Somaliland Xisbiga Ucid taageeryaashooda iyo masuuliyiintooda wadanka Canada taas, oo siweyn la isugu arkey qodobo muhiim ahna lagaga wada Hadley.
Hadhwanaagnews waxay idiin soo dayndoontaa Muuqalada xafladaasi.
Hadhwanaag/Toronto, Canada.